Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble oo Nairobi kula kulmay Cumar Cabdirashiid

Recommended Posts

Deeq A.   
2-16.jpg?resize=720%2C430&ssl=1

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Nairobi kulan kula qaatay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharma’arke.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Cumar Cabdirashiid uga warbixiyay dadaallada ay Xukuumadda ku bixisay hirgelinta arrimaha Doorashooyinka oo haatan ka socda dalka, lana soo doortay qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

RW Roobole ayaa intii uu ku sugnaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, waxaa uu kulamo kala duwan ula qaatay, qaar ka mid ah bulshada iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.

PUNTLAND POST

The post Rooble oo Nairobi kula kulmay Cumar Cabdirashiid appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this