Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo Garoowe kula kulmay guddiga dhismaha dekeda Garacad

Recommended Posts

Deeq A.   
4-10.jpg?resize=720%2C480&ssl=1

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay xarunta madaxtooyada Garoowe kulam kula yeeshay guddiga dhismaha dekedda Garacad ee Gobolka Mudug.

War kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in Kulanka looga hadlay dhameystirka wejiga koowaad ee dhismaha dekadda Garacad.

Sida warka lagu sheegay, kulanka waxa sidoo kale looga hadlay in degaanka Gacarad laga hawl-geliyo hay’addaha dowladda, si loo gaarsiiyo mashaariicda horumarineed.

Dhismaha dekedda Garacad oo ku socda hab isku-tashi ah, ayaa meel wanaagsan maraya, waxaana la doonaya in halkaas laga hirgeliyo deked ganacsi.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo Garoowe kula kulmay guddiga dhismaha dekeda Garacad appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this