Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Turkiga oo Taleefon kula hadlay saddex madaxweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa taleefan madaxweynaha Afgaanistaan oo uu kala hadlay xaaladda ka taagan waddankaaas.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in Turkigu uu sii wadi doono inuu garab istaago dadka Afgaanistan ee saaxiibtinimada iyo walaalnimada leh si Afgaanistaan ​​ay u gaarto nabadda iyo xasilloonida ay mudan tahay sida ugu dhaqsaha badan.

Erdogan ayaa sidoo kale khadka telefoneka ugu hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Iiraan Ebrahim Raeisi caleemo saarkiisa wuxuuna sheegay inuu rumeysan yahay in xiriirka ka dhexeeya Turkiga iyo Iraan iyo iskaashiga gobolka uu noqon doono mid sii xoogaysta dhinac walba muddada cusub.

Dhinaca kale madaxweyne Erdogan ayaa taleefan kula hadlay Madaxweynaha Togo Faure Gnassingbe isagoo sheegay in iskaashiga u dhexeeya labada qaran ee dhinaca warshadaha difaaca uu yeelan doono saamayn badan oo kor loogu qaadayo xiriirka labada dhinac.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Turkiga oo Taleefon kula hadlay saddex madaxweyne appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this