Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiyaha Barlmaanka S/land  oo shaaciyey in Dadka uu ka soo jeedo dantoodu Somaliland taalo 

Recommended Posts

Deeq A.   
 Gudoomiyaha Barlmaanka S/land  oo shaaciyey in Dadka uu ka soo jeedo dantoodu Somaliland taalo
 khaliif.jpg

Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa shaaca ka qaaday in bulshada deegaamada uu ka soo jeedo dantoodu ku jirto Somaliland, laakiin, tabashooyin badan oo ay qabeen, isla markaana garowshiiyo dhamaystiran aanay u helin, weli tabanayaan, hadii si caddaalad xalkeeda loo galanna la dhamayn karo.

Gudoomiye Cabdirisaaq ayaa hoosta ka xaqiiqay in golaha wakiiladu dib-u-eegis ku samayn doonaan shuruucda tabashooyinku ka jiraan, sida tabashooyinka awood-qeybsiga, tabashooyinka dib-u-eegista Dastuurka, iyo waxii bulshadu baahi u qabto wanaajintooda, oo dhamaantood ah, waajibaadka golaha wakiiladda laga sugayo

Wareysi telefishanka Universal todobaadkii hore la yeeshay ayaa su’aalo kala duwan oo qeybta dambe la weydiiyey waxa ka mid ahaa,

Maadama hore gobolka Sool bulshadiisu tabashooyin lahayd, xilligana 6 Mudane ku metelayaan golaha, side ayaad u soo jiidi kartaa, ayuu Gud Cabdirasaaq kaga jawaabay,

“Doorashadii 2005, beeshu lix xildhibaan ayey ka heshay, maantana waa lixdii? Waxaana sabab u ah bulshada oo aan si weyn ugu soo bixin doorashada, tusaale 4 Degmo ee G Sool, waxay heshay 7 xildhibaan, halka saddexii Degmo ee kale isku heleen 5 xildhibaan, taasi waxay muujinaysaa inaanay isku-san-banaanayn bulshada deegaankayga iyo xukuumada Somaliland? Sababo badan awgood-sida tabashooyinka jira oo xukuumadahii dalka soo maray si wanaagsan uga jawaabin, ama gaabis ha keeno, ama haynta dawladu oo koobnaa, awoodeeda iyo imkaaniyaadka, maadama aanay ictiraaf haysan. Runtii waxaan odhan karaa 75% yuhuunta dadku qabay sida looga jawaabay kuma fillayn in dadka lagu qanciyo. Dadka aan ka soo jeedo, weliba Sool dantoodu halkan (Somaliland) ayey taala, taariikh ahaan, iyo deegaan ahaanba, laakiin waxa jira tabashooyin badan oo is-dul-fuulay, tusaale Madaxda dhaqanka reerka dhamaantood way ka maqan yihiin, mid keliya ayaa jooga? Marka la eego dadkii aqoonta lahaa, way ka maqan yihiin, dadka jooga ee inta badan xilalka ka qabtaana maaha dadkii meteli lahaa, deegaanka iyo dadka.

..Kuwaa adigu ma ku jirtaa oo la weydiiyey Gud Cabdirisaaq ayuu ku jawaabay,

“Dabac ka mid ayaan noqonayaa, oo ma odhanayo gaar ayaan uga baxsannahay, waxaanse is-leeyahay, markii aan 2012-kii imi, ee xukuumadii Madaxweyne Axmed Siilaanyo ka mid noqday, waxay ahayd markii ay ugu adkayd, ee Jabhadii SCC-la aasaasay, magaalada Laascaanod iyo gobolada oo dhan saamayn ayey ku lahayd, waxaan is-leeyahay muddada 5-ta sannadood waxaad gaadhsiiseen heer dadku gobolka Sool, Sanaag iyo qeybo badan oo deegaanka ah ay ku qancaan inay dalka iyo dadka wax la qabsadaan. Waxaan aaminsannahay in mudadii dambe wax badan dib u dhaceen, ama u noqdeen? Hadii maanta si dhab ah xalkeeda loo galo, suurtagal maaha in shaqsiyaadka halkan laga magacaabayo noqdaan kuwo u jawaaba dadka deegaankaa, ama Salaadiintooda. Tusaale ninka odhanaya, nimanka Salaadiintu cidna ma metelaan? Salaadiinta dad bay metelaan, cid baa dooratay, shacabkiina iyagaa wakiil ka ah, waxay tahay inta la aqbalo waaqica dalka ka jira in si dhan ah xalkeeda loo galo. Arrinkaasi waxuu u baahan yahay, oo runtii aan qabaa, ama kalsoonida aad dadka dhexdooda ku leedahay ha noqoto, ama fahamka aad dadkaaga ka hayso ha noqoto, ama baahida aad u qabto manta inaad meelaha qaar ku maararowdo ha noqotee, inaad wax-ka-qaban karto.

Mar la weydiiyey hadaad Gudoomiyahii wakiiladda ee ka horeeyey ee Md Baashe, isku beel ka soo wada jeedan, maxay soo kordhinaysaa doorashadaadu, ayuu Gud Cabdirisaaq, ku jawaabay,

“Runtii xilkan siyaasiga ee Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda, waxuu ahaa is-faham lagu gaadhay shirkii magaalada Boorama ee 1993-dii, umana arko inay caddaalad ahayd qaabkii wax loo qeybsaday? Marka labaad mansab siyaasi ma sameeyo isbedel, balse aragti iyo fikir lala yimaado oo hela taageero iyo qalbi furan ayaa keeni kara isbedel. Waxaan aaminsannahay hadii dadka Somaliland u diyaargaroobaan midnimmo iyo heshiis wadareed, wax badan ayaa la qaban karaa.

Marka ay timaado hawlaha idin horyaala, baarlamaankii hore sidday u shaqeynayeen, waad la socotay, shuruucda qabyada ah ee horyaalay, maxa augu mudan ayaad filaysaa aragtidaada, ayuu Gud Cabdirisaaq ku jawaabay,

“Doorashada shir-gudoonka waxa xigi doona in la dhiso guddiyadii baarlamaanka ee shaqeyn lahaa, oo noqonaya guddiyada hawlqabad ee golaha dhaqaajin doona, shaqo walba oo golaha timaadana qabanaya, waxa xigi doona xeer-hoosaadkii uu ku shaqeyn lahaa, ee dabarka u noqon lahaa, shaqooyinkooda maalinlahana jiheyn lahaa, ka dib waxa la eegi doonaa, waxii shuruuc ah ee   taagan ama yaala laga hawlgalo, waxa xigi doonta in dib loo eego shuruucdii hore dalka, gaar ahaan waxii tabashooyin ka jiraan, waxa Iyana iman doona in laga doodo tabashooyinka Barri ilaa Galbeed ka imanaya, sida tabashooyinka saami-qeybsiga, dib-u-eegista Dastuurka oo qeyladiisu inbadan taagnayd, awood-qeybsiga, waxyaabaha oo dhan oo golaha waajibaadkiisa qeyb ka ah.

Arrimaha dadku is-weydiinayeen ee muddo baarlamaanka horyaalay, waxa ka mid ah ta Baananka xorta ah, sidaad u aragtaa, oo Gudoomiyaha Wakiiladda la weydiiyey ayuu ku jawaabay,

“Runtii, si kooban waxaan u odhan karaa, dalku Dastuur ayuu leeyahay, waxii Dastuurka dalku waafaqayo, waajib bay ku noqonaysaa xubnaha xildhibaanadda baarlamaanku inay meel mariyaan, sidoo kale wax kasta oo Dastuurka iyo shareecada islaamka ka horimanaya wax aan la fulin ayey noqon doonaa, markaa golahu waxuu ku khasban yahay, oo raaci doonaa Dastuurka Qaranka.

…Hadaad sii bayaamiso, Dastuurku maxuu ka qabaa samaynta baanan xor ah, oo la weydiiyey ayuu ku jawaabay Gud Cabdirisaaq,

“Baanan xor ah in la sameeyo Dastuurku wuu ogolaanayaa, wakhigana dalka inay ka jiraan ayaan aaminsannahay, laakiin waxa laga yaabaa inaynu kala saarno, Baananka xorta ah maxaynu u naqaanaa, ama odhanaynaa? Ma siyaasad dal kale iyo baanankooda ayeynu ka hadlaynaa, mise siyaasad ku haboon dalkeena, tusaale Baanan ayaa dalka ka jira, DaraSalaam Bank, Dahabshil Bank, Preium Bank ayaa jir, way shaqeeyaan, waxaan filayaa, in dadkeena lagu abuuray sheeko odhanaysa, dalkeena kama jiraan bangiyo xor ah, waxaan qabaa, in taasi sida loo dhigayo aanay ahayn, Baroortu Orgiga ka weyn? Qofku haduu doonayo wax kale, oo u ka hadlo, ama meel kale oo u u dacal-saaro, taasi waa gaar, Baanankii way jiraan, xaqna way u leeyahiin cid kasta oo awoodeeda leh, inay Bangi furato.

Mar la weydiiyey, intii loolanka doorashada shir-gudoonku socday, qolada idinka soo horjeeday waxyaalaha adiga shaqsiyan kugu eedeynayeen, wax aka mid ahaa inaad xidhiidh la lahayd, waayadii hore ururada xag-jirka, sidaad u aragtaa, ayuu Gud Cabdirisaaq, ku jawaabay,

“Horta, qolada iga soo horjeeda hadday maanta tilmaamayso 15 sannadood ayaan xisbiga KULMIYE ka mid ahaaye, waxaan ahaa, maanta maan noqone, shalay-na waan ahaa! Taa waa in la ogaado, marlabaad, hadii loo yaqaano qofka cibaadaysta tukada ee masaajidka taga inuu xag-jir yahay? Waan qaadanayaa, kana doodi mayo, nin xilligan diintiisa lagu muransan yahay ma ihi, laakiin, arrimahaasi waxay uun ka mid ahaayeen loolankii doorashada dacaayadaheedii, waxaanan filayaa xukuumadu hadii ay sidaa leedahay, waxaan u doontay xilkan shacabka, dawladdana waxaan u doontay warqadii dembi la’aanta, waxaan 5 sannadood iyo badh ka ahaa Wasiir xisbiga tallada maanta haya, qeyladaasi ma soo bixin, markaa baqe ayaa keenay baan filayaa, balse manta wuu dhamaaday baqahaasi.

…Dadka arrimaha sheegayey, weliba waxay kugu eedeeyeen inaad ururkii AlItixaad ka mid ahayd, arrintaasi ma jirtay, sideedaba, oo la weydiiyey, ayuu ku jawaabay,

“MAYA, ma jirin.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this