Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble: “Aniga iyo madaxweyne Farmaajo heshiis baan nahay”

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1628717182598.jpg?resize=720%2C48

Ra’iiusul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in isaga iyo madaxweyne Farmaajo yihiin heshiis oo uusan jirin wax khilaafa.

Rooble oo ka hadal ka jeediyay kulan uu la qaatay qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in isaga iyo madaxda kale ee Qaranka ay ka go’an tahay in ay dalka ka hirgeliyaan doorasho.

“Waxaa la yiraahdaa doqoni meeshii lagu dagaalay bay ogtahaye meeshii lagu heshiiyay ma oga, heshiis baan nahay aniga iyo madaxweynaha, dalkaas hadaan heshiis lagu ahayn ma soconayo qarbuu ka sii dhacayaa” ayuu yiri Ra’iisul Wasaase Rooble.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaarha ayaa sheegay in arrinta badda ay tahay lama taabtaan, ayna go’aan ka sugayaan Maxkamadda Caddaaladda Adduunka.

Wuxuu sheegay in booqashadiisa Kenya ay daarrantahay hagaajinta xiriirka labada dal ee dariska ah.

“Kenya uma imaan in aan wax saxiixo, arrinta badda waa lama taabtaan, waxaanna ka sugeynaa Maxkamadda Caddaaladda Adduunka” ayuu hadalka raaciy Rooble.

PUNTLAND POST

The post Rooble: “Aniga iyo madaxweyne Farmaajo heshiis baan nahay” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this