Jacaylbaro Posted July 27, 2009 Hargeysa (Somalilandpress)- Mss, Tenya oo ah Fanaanadaa u dhalatay wadanka Norway oo ku heesta Afka Sooomaaliga oo uu weheliyo Maxamed Aadan Cali (Himilo), ayaa maanta ka soo degay madaarka caalamiga ah ee Cigaal Airport. Fanaanada Tenya oo abaaro 2:30 duhurnimo ka soo degtay diyaarada iyada oo laabta ku sidata maro uu ku sawiran yahay Calanka Somaliland, ayaa waxa halkaasi ku soo dhaweeyay dadweyne aad u tiro badan oo ay horkacayaan madaxda Wasaarada Dalxiiska, fanaaniin iyo Abwaan magac wayn ku leh dhulka Soomaalida oo uu ka dhex-muuqday Axmed Saleebaan Bidde. Markii ay ka soo dageen madaarka ayaa waxay warbaahinta ugu warameen qolna nasashada. Mss, Tenya oo Luqada Soomaaliga ugu hadlaysa sidii qof u dhashay, ayaa ugu horayn waxay hadalkeeda ku bilawday. “aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin, ILaahay ayaa mahad leh, waxaan u mahadnaqayaa Madaxweyne Rayaale iyo ku-xigeenkiisa,dhama an Dawlada Somaliland. maanta waa maalin farxad leh, waxa ila socda Cabdisamad Maxamed Cabdilaahi iyo Maxamed Aadan Himilo waxaanu nahay Urur la yidhaahdo Tusmo oo ka shaqeeya arrimaha Bulshada iyo arrimaha la xidhiidha qurba jooga ku nool Norway iyo wadamo kale, Himilo waa Injineer, Cabdisamadna waa siyaasi, waa Injineer waana hogaamiyaha safarkayaga. Waxaan idiin hayaa hees cusub oo uu sameeyay Abwaan SIciid Saalax Axmed oo aan dhawaan kula kulmay wadanka maraykanka oo uu hadyad ahaan iigu soo dhiibay dadka reer Somaliland.” Mss, Tenya oo wejigeeda farxad aad u badani ka muuqato ayaa bilawday midhaha heestii Hadyada ahayd, waxayna tidhi; “Hobeeyaay, Hobeey, Hobeey Hobaalayeey, fariin hubaalaan sidaa, afkiinaan ku hadlayaa, inaan heesaan rabaa, heblayaa lay yidhaa, d adkaan u hiloobayoow, jacayl baan idiin hayaa, ee Hargeysaan ma nabadbaa. Hobeeyaay, hobeey, hobeey hobaalayeey Fariin hubaal baan sidaa inaan heesaan rabaa, hal-hayskiinaan aqaan hubsiinada waxa la yidhi hal-geelaad siisataan haasaawuhu waa kalgacalee Hargeysaay ma nabad baa. Hidaha dhaqankiina wacan ayaan heegaan u ahoo higaadiisaan bartaa hoygii murtidaad tahee Hargeysaay ma nabad baa.” Dhamaanba dadkii iyo warbaahintii wax ka duubaysay ayaa la dhacay hab-luuqeedka ay ku tirinayo mss Tenya heestaasi. Fanaanada ka dib ayaa isaguna waxa erayo kooban oo uu ku soo dhawaynayo Tenya, halkaasi ka yidhi Fanaanka Maxamed Aadan Cali (Himilo) oo isaguna ku wehelinayay safarkaasi. Mss, Tenya waxa isla-markaa Hadiyad ku gudoonsiiyay Gudoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Somaliland, Md Cabdicasiis Maxamed Samaale Mss, Tenya oo martiqaad rasmi ah ka heshay Somaliland ayaa loo galbiyay si farxad iyo damaashaad ka muuqdo iyada oo la dejiyay Hoteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa. Waxaana la filayaa inay soo bandhigi doonto bandhig-faneedyo cusub oo ay ugu talo-gashay inay ku muujiso sida wacan ee ay ugu heesi karto uguna hadli karto luqadda Afka Soomaaliga. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ibtisam Posted July 27, 2009 I don't understand, everything is news these days. :rolleyes: Btw, hook Caano Geel up, he wanted to know yaa qaabah Tanya in another thread. (But that could mean who has her in his dialect, rather than who is she married to) So maybe he thought reer Somaliland kidnapped her or something and hence the search. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kool_Kat Posted July 27, 2009 LOOOOOOOOL, caku iyo reer Somaliland iyo shaqo la'aanta heysa...Oo hadana ma naagtaan bey madaxdiina usoo bexeen? LOOOOOOOOOOOOOOOOOOO L@Himilo waa injineer! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gediid Posted July 27, 2009 ^^^^ KK yeap the guy is a petro chemical engineer and singing is a hobby of his...During the tour to the USA, he had a job interview in houston with one of the big compnaies there and he has been offered a job there.....Ha degdin yaah KK ninku waa real Engineer and not the reer Xamar Injineere.... Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted July 27, 2009 Tanya Somaliga si fiican u baratay, haka tunto bal reer waqooyiga. Lakin madaxdaan qof kasta bey soo dhaweeyaan miyaa? I wonder if this "madax" would welcome at the airport if Eminem decided to visit there. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Faarax-Brawn Posted July 27, 2009 Oo kaalay, Kormey baxday? sow daraat meynan joogin mpls? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted July 27, 2009 i wouldn't mind having a cuppa coffee with her one of these days ,,,, if time permits ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Faarax-Brawn Posted July 27, 2009 Originally posted by Jacaylbaro: i wouldn't mind having a cuppa coffee with her one of these days ,,,, if time permits ,,, coffee mise shahi? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted July 27, 2009 maybe both ............ i can even mix Quote Share this post Link to post Share on other sites
Faarax-Brawn Posted July 27, 2009 Originally posted by Jacaylbaro: maybe both ............ i can even mix Badaw. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted July 27, 2009 It is classic ,,, try it Quote Share this post Link to post Share on other sites
Caano Geel Posted July 27, 2009 Originally posted by Jacaylbaro: maybe both ............ i can even mix Am i hearing a federation here JB . As ibti says get the stats will ya Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted July 27, 2009 yeah it is federation ,,,, you also save time by making it one and drinking it once. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Caano Geel Posted July 27, 2009 ^ now that's the voice of experience right there Quote Share this post Link to post Share on other sites