Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya Iyo Soomaaliya Oo Heshiis Cusub Gaadhay, Maxay Ku Heshiiyeen??

Recommended Posts

Deeq A.   

Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku heshiiyay inay soo celiyaan xidhiishkii, iskana kaashadaan dhinacyo ay ka mid yihiin amniga, ganacsiga iyo maalgashiga.

Heshiiskan ayaa daba socda wada -hadallo Raysal -wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ku dhex maray magaalada Mombassa Salaasadii shalay.

War qoraal ah oo uu soo saaray, madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta wuxuu soo dhoweeyay soo celinta xidhiidh diblomaasiyadeed ee Kenya iyo Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay xasilloonida horumarka gobolka.

“Nabad la’aan, ma jiri karto barwaaqo. Aynu xoogga saarno u adeegidda dadkeenna. Tani waxay suurtogal noqon kartaa oo kaliya haddii aan si wadajir ah uga wada shaqeyno sidii aan u cirib tiri lahayn argagixisada. Waxaa la joogaa waqtigii la hagaajin lahaa ganacsiga oo la xallin lahaa arrimaha socdaalka si loo oggolaado is-dhexgalka dadka-dadka, ”ayaa lagu yidhi bayaan ka soo baxay aqalka dowladda Kenya.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa qiray xidhiidhka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, isagoo sheegay in saaxiibtinimadu ay ku saleysan tahay “deris wanaag, iskaashi, xasillooni iyo is -ixtiraam”.

“Maanta waa bilowgii xidhiidh xooggan oo qoto dheer oo walaaltinnimo. Soomaaliya waxay ku dadaali doontaa sidii loo xoojin lahaa Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga oo dan u ah labada shacab, midnimadooda iyo xasiloonidooda iyo wixii ka baxsan gobolka iyo qaaradda ”ayuu yidhi RW Rooble oo adeegsanaya turjumaan.

Raysal Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku boorriyay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta inuu muranka soohdinta badda u daayo Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this