Sign in to follow this  
Deeq A.

Labo Musharax oo tanaasulay, kahor qabashada doorashada Puntland ee Aqalka Sare

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Xarunta baarlamaanka Puntland waxaa haatan ka socota hadal jeedinta musharraxiinta u taagan ka mid ah noqoshada Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, kuwaas oo uu horey u shaaciyey madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Sentorada khudbadahooda jeediyey waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdiraxmaan Faroole oo markale doonaya inuu difaacdo kursigiisa Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Faroole ayaa khudbadiisa uga hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya xaaladda dalka iyo tan Puntland, wuxuuna kadib ka codsaday golaha wakiilada inay codkooda siiyaan.

Aamino Jaamac Ibraahim ayaa sidoo kale hadal kooban oo ku aadan musharraxnimadeeda ka jeedisay golaha, taas oo muddo fog ka soo shaqeynesay arrimaha bulshada, waxayna si xushmad leh xildhibaanada Soomaaliyeed ee Puntland uga codsatay inay siiyaan codkooda.

Sidoo kale goobta waxaa ka hadlay musharraxiinta kala ah Kowsar Cabdullaahi Xirsi iyo Maxamed Geed Maxamuud oo shaaciyeyn inay tanaasuleen, iyaga oo u mahadceliyey madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Deni & baarlamaanka Puntland.

Kowsar ayaa u tanaasushay madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Mudane Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab), halka Maxamed Geed Maxamuud uu u tanaasulay wasiirka dekedaha maamulkaasi, Mudane Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino).

Doorashada ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay ka bilaabato Garoowe, si loo doorto 11 Senator oo ay Puntland ku leedahay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Doorashada-696x464-2.jpg 234094673_4392079874191135_4354787948453 234642005_4392080120857777_6408918050202 236496877_4392080380857751_5278666050010

The post Labo Musharax oo tanaasulay, kahor qabashada doorashada Puntland ee Aqalka Sare appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this