Sign in to follow this  
Deeq A.

In ka badan 40 ruux oo ku dhintay dab ka kacay kaymaha dalka Algeria

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan 42 qofayaa la xaqiijiyey in ay ku geeriyoodeen Kaymaha ku gubanaya waddanka Algeria

Wakaaladda Wararka Algeria ee APS aya sheegtay in 25 Askari iyo 17 qof oo Rayid ah ku geeriyoodeen Masiibadaasi, halka ay ugu yaraan 14 Askari ku dhaawacmeen.

Haweeney 92-jir ah oo laga soo badbaadiyey Buuraha Kabayle ee Waqooyiga dalkaasi waxay Khatarta Kaymaha Ololaya barbar dhigtay sidii dhamaadka Adduunka.

Goblka Kabayle oo 100 KM dhanka Waqooyi kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Aljeris ayaana ah Ubucda kaymaha ku gubanaya, iyadoo ay adag tahay in la gaaro Tuullooyinka, isla markaana ay Biyaha gabaabsi yihiin Xilligan Kulaylaha.

PUNTLAND POST

The post In ka badan 40 ruux oo ku dhintay dab ka kacay kaymaha dalka Algeria appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this