Sign in to follow this  
Deeq A.

Miyaa la sii daayay Amiiraddii Dubai ee aabbaheed uu xabsi guriga geliyay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Miyaa la sii daayay Amiiraddii Dubai ee aabbaheed uu xabsi guriga geliyay?

Image shows Latifa with her cousin Marcus Essabri and Sioned Taylor
Sawir la soo dhigay Instagram ayaa waxaa ka muuqda Latifa, bidix, oo ku sugan Iceland iyo walaalkeed (dhexda) iyo Sioned Taylor

Ololihii lagu doonayay in amiirad Latifa, gabadha hoggaamiyaha Dubai, ay xorriyaddeeda hesho ayaa la hakiyay, kaddib markii lagu arkay Iceland.

Sawirka ayaa Isniintii waxaa barta Instagram soo dhigtay haweeney Britain u dhalatay oo hore ay sawir iskala soo muuqdeen.

Balse ma cadda in ay Latifa, oo aan bulshada la hadlin, ay xor tahay iyo in kale.

BBC ayaa horraantii sanadkan baahisay muuqaal ay amiiraddu ku sheegeyso in aabbaheed uu xabsi guri geliyay.

Taas ayaa caro ka sababtay dunida, iyadoo Qaramada Midoobay ay ku baaqday in la caddeeyo in gabadhan 35 jirka ah ay nooshahay iyo in kale.

Dhowr sawir oo Latifa laga qaaday ayaa markaas kaddib la arkay. Waxaa baraha bulshada soo dhigtay Sioned Taylor, taas oo sidoo kale sawir la soo gashay bishii June iyagoo ku sugnaa garoonka Madrid.

Sawirrada kale ayaa la arkayay Latifa oo ku sugan suuq laga dukaameysto iyo maqaayad ku taalla Dubai.

Ololaha xoreynta Latifa ayaa warsaxaafadeed ay Isniintii soo saareen waxay ku xaqiijiyeen in Latifa ay Iceland kula kulantay ina abtigeed Marcus Essabri – oo ah qofka saddexaad ee sawirka kula jira.

Mr Essabri, oo ay eeddo u tahay Latifa hooyadeed, ayaa yiri: “Dib ayaanu u midownay… wax lagu farxo ayay ahayd in la arko iyadoo faraxsan, caafimaad qabta oo diiradda saareysa qorshooyinkeeda.”

David Haigh, oo ka mid ah dakdii bilaabay ololaha xoreynta Latifa, ayaa BBC-da u sheegay in xaaladda haatan ee Latifa ay aad u wanaagsan tahay.

This Instagram image seems to show Princess Latifa in Madrid
Sawirka Instagram ee bishii June waxaa ka muuqdaAmiirad Latifa, midig, oo ku sugan Madrid

Qoyska boqortooyada ee Dubai ayaan wax faahfaahin ah ka bixin sawirkan ugu dambeeyay.

Latifa, oo ka mid ah 25-ka carruur ee Sheikh Mohammed bin Rashid al Maktoum, ayaa isku dayday inay ka baxsato Dubai bishii February 2018.

Muuqaal ay duubtay wxa yar kahor intaysan bixin, ayay ku sheegtay in ilaalo adag laga hayo. “Dalka kama tegin tan iyo sanadkii 2000. Wax badan ayaan codsanayay inaan safro, wax barto, oo aan wax walba oo caadi ah sameeyo. Iima oggola,”ayay tiri.

Balse kuma aysan guuleysan baxsashada: siddeed maalmood markii ay k jirtay safarka Badweynta Hindiya, ciidamo ayaa qabtay doonta kuwaas oo si qasab ah uga saaray Latifa kuna celiyay Dubai.

Aabbaheed ayaa markii dambe sheegay in arrintan uu u arko “howlgal samatabixin ah”.

 

Bishii February, BBC Panorama ayaa baahisay muuqaallo ay si sir ah u duubtay Amiirad Latifa kaddibna u gudbisay saaxiibbadeed dibadda ku sugan, kaas oo ay ku sharxeysay sidii loo qabtay iyo xabsigii la geliyay kaddib markii Dubai lagu celiyay.

Waxay sheegtay inaan loo oggolaan daaweyn iyo caawinaad sharci ah iyadoo ku sugneyd qasri daaqadaha iyo albaabbadu ay xiran yihiin, ayna ilaalo ka hayaan booliis.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this