Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoor Qoor oo shaaciyey liiska musharaxiinta 6 kursi oo Aqalka Sare ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa shaaciyey liiska musharaxiinta 6 ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee laga soo dooranayo Galmudug. 

Qoor Qoor ayaa dib u dhigay shaacinta musharaxiinta laba ka mid ah kuraasta, oo ay ku kala fadhiyaan Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex.

Waxa uu Qoor Qoor meesha ka saaray guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari, hase yeeshee wuxuu liiska kusoo daray saddex ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ee iminka.

Xubnaha lasoo celiyey waxa ay kala yihiin Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer, Yuusuf Geelle Ugaas, iyo Samsam Daahir Maxamuud. 

Waxaa sidoo kale liiska ku jira xildhibaan Cabdixakiim Macallin Axmed oo hadda ka tirsan golaha shacabka, kana mid ah taageerayaasha Farmaajo, kaasi oo loo soo wareejiyey Aqalka Sare kadib markii beeshiisa ay sheegtay inuusan kursi ka heli doonin. 

LIiska musharaxiinta iyo sida ay isugu aadayaan ayaa kala ah:

1- Cabdi Axmed Dhuxulow iyo Nuur Xasan Guutaale
2- Yuusuf Geelle Ugaas iyo Daahir Faarax Fiidow
3- Saciid Siyaad Shirwac iyo Maxamed Daahir Maxamed
4- Samsam Daahir Maxamuud iyo Farxiya Maxamed Guure
5- Cabdixakiim Macallin Axmed iyo Ismahaan Cabdi Xuseen
6- Duniyo Maxamed Cali iyo Qadra Cabdullahi Isxaaq

235220917_4230243707012625_5726152007596 233834268_4230243730345956_6544405488459

The post Qoor Qoor oo shaaciyey liiska musharaxiinta 6 kursi oo Aqalka Sare ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this