Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Markii Ugu Horeysay Dulimaad Heer Madaxweyne Ugu Safray Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho ka ambabaxay wafdi uu hogaaminayo ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble.

Rooble ayaa wafdigiisa waxaa qeyb ka ah xubna ka tirsan golahiisa wasiirada iyo mas’uuliyiin kale.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay sidoo kale in duulimaadka Ra’iisul wasaaraha maanta uu ku baxay uu ahaa dulimaad heer madaxweyne ah.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Mocalimuu ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku sheegay in ay tahay markii ugu horeysay uu ra’iisul wasaaraha uu duulimaadkan ku baxo.

“Duulista Hawada sharciyan Madaxweynayaasha Adduunka waxa ay qaataan duulimaadyada 001 Ra’iisul Wasaarayaashana 002. Soddan sano kadib. waxa DF Soomaaliya ay buuxisay Shuruucdii duulista hawada sidaa awgeed maanta Ra’iisul Wasaare Rooble waxa uu duulimaadkiisu yahay SOM-001 taas ah ka dhigan in xitaa duulimaadyada kale ee caalamiga ah in ay la socdaan in duulimaadkaas uu la socdo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble”, ayaa yiri Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Mocalimuu.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this