Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirro Aan Weli Iska Xaadirin Xafiisyadoodii Ka Dib Guul-darradii Ay Shir guddoonka Ka Kulmeen

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wasiiro, Wasiir ku-xigeeno iyo guddoomiyayaal ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo si weyn uga qayb-qaatay kaambaynkii adkaa iyo olollihii Doorashadii shir guddoonka Golaha Wakiillada, ayaa la sheegay in guul-darradii ka soo gaadhay Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE doorashadii shir guddoonka Golaha Wakiillada, kadib aanay ka soo xaadirin xafiisyadooda,kuwaas oo weli la dawakhsan guul-darradii aanay ku xisaabtamin ee ay kala kulmeen doorashadii shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland .

Masuuliyiintan ayaa ahaa qaar isa siiyey guusha,isla markaana aan ku xisaabtamin inay guul-darro ka kulmi doonnaan doorashadii shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland,maddaama oo ay inta baddan ahayeen kuwo fagaarayaasha ka faani jiray,kuwaas oo xilligii lagu gudda jiray loollanka doorashada shir guddoonka si weyn ugu ololleeyey Musharraxiintii ay gal-binaysay Xukuumadda KULMIYE.

Geesta kalena waxa xusid muddan in Wasiiradda Xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo guddoomiyayaasha Hay’addaha qaarkood ay dhawrkii bilood ee ugu dambeeyey inta baddan aanay xafiisyadooda furrin,kuwaas oo ku mashquulsanaa loollankii doorashadii dalka ka dhacday bishii may ee sannadkan 2021-ka iyo loollankii shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland.

Dhanka kalene xoggo aanu ka helayn illo wareedyo kale duwan ayaa sheegay in Wasiiro dhawr ah iyo Wasiiro ku-xigeeno iyo Guddoomiyayaasha Hay’addaha Dawlada qaarkood aanay fooda soo gelin xayndaabka Wasaaraddaha iyo Hay’addaha masuuliyiintaas loo igmaday,waxaana xogguhu sheegeen inay la dawakheen guul-darradii Xisbiga KULMIYE uu kala kulmay doorashadii shir guddoonka Golaha wakiillada Somaliland.

Sidoo kale xoggo qaar ayaa sheegay in masuuliyiinta qaar ay ka baqo qabaan in xilka laga qaado, isla markaana aanay muddooyinkii dambe isku laab wanaagsanayn Madaxweyne Biixi oo saluugsan qaabkooda shaqo iyo xubno uu u arko in aanay la jaan qaadayn siyaasaddiisa.

Gunaanadkii Wasiiradda iyo Masuuliyiinta Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa dawakhaadii iyo dayowgii ay ka qadeen guul-darradii Xisbiga KULMIYE ka soo gaadhay doorashadii shir guddoonka Golaha Wakiillada aanay qaarkood weli iman xafiisyadoodii.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this