Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi Oo Safar Nasasho Ah Ku Tagay Beertiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay in guul-darradii Xisbigiisa KULMIYE ka soo gaadhay doorashadii shir guddoonka Golaha Wakiillada ee toddobaadkii hore dhacday uu kadib nasasho u tegay beertiisa,taas oo ku taal degaanka Geed Deeble oo duleedka waqooyi kaga beegan Magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi,ayaa la sheegay in doorashadii shir guddoonka Golaha Wakiillada oo lagaga adkaaday Xukuumaddiisa iyo Xisbiga uu hoggaamiyo ee KULMIYE uu kadib nasasho u tegay beertiisa,maddaama uu muddo ku jiray keembaynkii adkaa ee doorashada shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland.

Xoghayaha arrimaha Bulshada Xisbiga WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facbook ayaa ku sheegay sidaas,kaas oo u dhignaa sidan:-“Madaxweynihii guuldarada kaddib wuxuu ku maqan yahay Beertiisa nasasho nafsiyan ah ayuu galay, waxaan u rajaynayaa caafimaad qab waxaana la gudboon talada iyo fekerka uu la fogaaday kelidii in uu Alle ku hanuuniyo tawfiiqda toosan ee ah inuu fahmo dabaylaha isbedel oo uu guddoonsado geesinimada ah doorashada Dastuuriga ah ee Madaxtooyo 2022 intaan waaqica iyo waayuhu qasbin!”ayuu ku sheegay Xoghaye Dhamme Qoraalkiisa

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this