Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi Oo Isku Shaandheyn Ku Samaynaya Xukuumaddiisa Iyo Xubno Seeftu Dul-hogganayso Oo Wadnaha Farta Ku Haya

Recommended Posts

Deeq A.   
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi , ayaa la filayaa inuu xilka qaadis iyo isku beddel ku sameeyo xubno kamid ah golaha Xukuumaddiisa. Ma jiro War si cad daboolka uga qaadaya amuurtaa oo kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda.

Hase-yeeshee Warar Wargeyska Waaberi ka helay ilo ku dhow-dhow qasriga dalka looga arrimiyo, ayaa tibaaxay in xubnaha xilkooda waayi doona ay kamid yihiin,Wasiiro,Wasiir ku-xigeeno iyo Agaasimayaal Guud iyo Guddoomiyayaasha Hay’adda Dawlada qaarkood.

Waxa kale oo ay xogguhu intaa ku dareen in Madaxweyne Biixi uu xilal ka bannaan Xukuumaddiisa uu buuxin doonno,kuwaas oo ay ugu waa weyn yihiin xilka Wasiirka Wasaaradda arrimaha debada iyo Afhayeenka Madaxtooyadda oo bannaan muddo ku dhaw toddoba bilood.

Geesta kale, Wararka arrimahan la xidhiidha waxay daboolka ka qaaddeen Madaxweyne Biixi in isku shaandhaynta uu ku samaynayo Xukuumadiisa ay tahay mid sal ballaadhan,isla markaana ay gallaafan doonto masuuliyiin baddan, waxaana la sheegay in Golihiisa Wasiiradda uu ka soo reebi doonno saddex wasiir oo keliya,kuwaas oo lagu kale sheegay Wasiir Maxamed Kaahin , Wasiir Siciid Sulub iyo Wasiir Saajin,Hase-yeeshee waxay dhacdadani kala cadaan doontaa Maalmaha soo socda

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay isku shaandhaynta la filayo inuu Madaxweyne Biixi uu ku sameeyo Xukuumaddiisa ayaa Madaxweynaha ugu baaqay inuu soo magacaabo masuuliyiin xul ah “Madaxweynuhu waxa la leeyahay is beddel ayuu samaynayaaye ,waxa aan leeyahay Madaxqweyne kudaafaddii haka soo gurrane meel nadiifa ka soo qaado ayaanu ku leenahay .”ayuu yidhi Faysal

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this