Sign in to follow this  
Deeq A.

Geesiyaddii Carbeed ee Afduubtay Diyaaradda Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   

Geesiyaddii Carbeed ee Afduubtay Diyaaradda Israa’iil

Laila Khalid

Ogosto 29, 1969. Haweeneey 25 jir ah oo xirneyd suud cad, koofiyadda cadceeda iyo muraayadaha qorraxda ayaa ku sugeysay garoonka diyaaradaha Rome, duullimaadka diyaaraddii numberkeedu ahaa TWA 840.

Gabadhan da’da yar oo u ekeyd Aktarada Hollywood -ka Audrey Hepburn, ayaa ku guuleysatay inay la gasho bastoolad yar iyo laba bambo gacmeed iyada oo khiyaamaysay saraakiisha ammaanka garoonka.

Waxayna isku deyday in ay muujiso in aanay qof kale ka aqoon safarkan.

Saalim Isavi, wuxuu fadhiyay aagga ay rakaabku ku sugan yihiin gegida dayuuradaha oo sugaya bixitaankooda.

Ninkaasi wuxuu isna ahaa xubin muhiim ah ka ahaa ciidanka kumaandooska Che Guara ee dhaqdhaqaaqa xoreynta Falastiin (Popular Front for the Liberation of Palestine), gabadha magaceedana waxaa la oran jiray Laila Khalid. Laila Khalid ayaa ku timid Rome diyaarad khaas ah oo ka timid Beirut.

Laila iyo saaxiibkeeda Isavi waxay si ula kac ah u qorsheeyeen inay iibsadaan kuraaskooda fasalka koowaad ee diyaaradda, qaybta VIP-da si ay ugu suurtogasho inay si sahlan ku gaadhaan agga duuliyaha.

Kuraasta Laila Khalid iyo Salim Isavi ayaa si wadajir ah ugu dhowaa halka laga hago diyaaradda. Shaqaalaha diyaaradda ayaa u dhiibay Laila Coffee halka ay Isavi siiyeen khamri. Laakiin intaas ka dib, Laila Khalid waxba ma cunin inkasta oo mudalabkii diyaaraaddu ku adkaystay in ay waxa cunaan ama cabbaan.

Viti vya Laila Khalid na Salim Isavi vilikuwa vimekaribiana ndani ya ndege
.

Taas beddelkeeda waxay u sheegtay adeegaha inay qabow iyo calool xanuun dareemayso, ee i sii buste dheeraad ah si aan isku daboolo. Isla markii ay heshay bustahii, Laila waxay ku dhex qarsatay bistooladdii iyo banbadii si ay si fudud ugu gaadhi karto.

Wareysi uu la yeeshay Eileen Macdonald, oo ah qoraaga buugga ‘Shoot the First Women’, ayay tidhi Laila Khalid, ‘markii shaqaalaha diyaaradda uu bilaabay quudinta, Salim ayaa si degdeg ah ugu booday qafaskii duuliyihii.

Waxa kale oo aan gadaashiisa ka orday anigoo bam -gacmeedkii gacanta ku haya.

Laila khalid

‘Kadib bastooladdii ayaan la soo baxay” ayay sheegtay Liala. Aniga iyo Isaavi waan qaylinnay waxaanan ku amarnay dhammaan rakaabkii darajada koowaad inay u gudbaan fasalka labaad.

Afduubkan, Laila Khalid waxaa loo dhiibay hawsha la hadalka duuliyaha iyo xarunta laga hago duulimaadka. Laila ayaa ka codsatay duuliyihii diyaaradda inuu geeyo gegida diyaaradaha ee Lod, oo hadda lagu magacaabo David Ben Gurry Airport.

Laila Khalid

Markii ay soo gashay dhulka Israa’iil, saddex diyaaradood oo kale oo kuwa dagaalka ah oo Israa’iil ah ayaa bilaabay inay duulaan. Sababtoo ah jahwareerka ay la kulmeen safarkii hore dhacdadii dhacday awgeed. Waxay moodayeen in diyaaradaha Israa’iil ay soo ridi doonaan diyaaraddooda.

Laila Khalid waxay la xiriirtay shirkadda diyaaradaha waxayna ku tiri hadda waxaad noo qaabili doontaa sidii PFLP Falastiin Carab ah, oo ma aha Flight TWA 840.

Amarka garoonka diyaaradaha Israel ee Lod wuxuu ahaa kaliya in la khiyaaneeyo. Diyaaraddii waxa ay dul martay Lod. Boqolaal askari oo Israa’iiliyiin ah iyo taangiyadoodii ayaa dhulka taagnaa, diyaarna u ahaa inay ka hortagaan. Laila Khalid ayaa markaas ku amartay duuliyaha inuu diyaaradda geeyo magaalada Dimishiq ee dalka Suuriya.

Intii uu jidka ku soo jiray, waxa ay ka codsatay duuliyihii inuu dul maro Haifa oo ah magaaladii ay ku dhalatay.

Amri ya kuelekea uwanja wa ndege wa Israeli Lod ilikuwa tu ni kuwadanganya Waisraeli.

Laila Khalid ayaa markii dambe wax ka qortay taariikh -nololeedkeeda, ‘markii aan ka arkay Falastiin xagga sare, waan iska hilmaamay inaan ahay afduube. Fikirkan ayaa maskaxdayda ku soo dhacay inaan qayliyo si aan u salaamo ayeeyaday, habaryartay iyo cid kasta oo kale oo aan guriga ku soo noqonaynay. Goor dambe duuliyuhu wuxuu kaloo sheegay inay marayaan cirkii Haifa, wuxuu arkay anoo u muuqda sidii qof faraxsan”

Markii uu ka soo degay gegida dayuuradaha ee Dimishiq, Salim Isavi ayaa waxyaabaha qarxa ku dhex riday qolka diyaaradda, kadibna wuxuu qarxiyay diyaaraddii. Aragtidiisa, tani waxay ahayd habka ugu wanaagsan ee lagu gaarsiin karo dadka reer Falastiin farriinta ay dunida u dirayaan.

Mimi na Isaavi tulipaza sauti na kuwaamrisha wasafiri wote wa daraja la kwanza kuhamia katika daraja la pili.

Wuxuu ogaa in Israa’iil aysan waxba ka tari doonin in la afduubtaa, sida oo kalena ay dili doonaan Laila Khalid. Laila Khalid waxay noqotay geesiyadda dumarka ah ee dunida Carabta.

Laila Khaalid ayaa markii dambe lagu sameeyay lix qalliin si ay u beddesho sankeeda, dhabannada, indhaha iyo afka si ay gebi ahaanba u beddesho muuqaalkeeda isunana diyaariso afduub kale.

Bishii Sebtember 1970kii, Laila Khaalid waxay ka soo haajirtay Lubnaan una guurtay Yurub. Halkaas oo uu ka bilawday hayaan kale.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this