Sign in to follow this  
Deeq A.

Tiro dad ah oo ku dhintay weerar culus oo Falaagada Tigray ku qaaday Gobolka Canfarta

Recommended Posts

Deeq A.   
Tiro dad ah oo ku dhintay weerar culus oo Falaagada Tigray ku qaaday Gobolka Canfarta
canfar.jpg

Tiro dad ah ayaa ku dhintay weerar culus oo lagu qaaday xarun caafimaad oo ku taalla gobolka Canfarta ee dalka Itoobiya halkaas oo ay ka socdaan dagaallo u dhexeeya fallaagada Tigray iyo ciidamada dowladda.

Dhakhatar ku sugan goobta la weeraray ayaa BBC u sheegay in ugu yaraan 12 qof ay u dhinteen dhaawacyo culus oo kasoo gaaray weerarka lagu qaaday xarunta caafimaad ee Galikoma.

Afhayeen u hadlay maamulka Canfarta ayaa ku eedeeyay in ciidamada Tigray ay ka dambeeyeen weerarka , inkasta oo TPLF aysan ka hadlin eedeymahan loo jeediyay.

Waxaana lagu soo warramayaa in xaruntan ay ku sugnaayeen dad kasoo barakacay colaadaha ka taagan halkaas.

Dagaallada muddada 9 bilood ah ka socday Tigray ayaa haatan ku baahay gobollada deriska la ah ee Canfarta iyo Amxaarada.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this