Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynihii ee HirShabelle oo looga yeeray maxkamada Gobolka Banaadir (Aqriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa looga yeeray inuu horyimaado Maxkamadda Gobolka Banaadir, sida ku cad warqad baafin ah oo kasoo baxday Maxkamadda, oo ay heshay Caasimada Online. 

Warqadda ayaa lagu sheegay in Waare loo haysto dacwad madani ah, inkasta oo aan si rasmi ah loo qeexin waxa ay tahay, waxaana madaxweynihii hore loo qabtay 15 maalmood oa ka billaabaneysa 2-da August, oo hadda toddobaad laga joogo. 

Warqadda ayaa lagu yiri “Maxkamadda Gobolka Banaadir, ayadoo cuskaneysa qodobada 121 XHMS, waxay ku wargelineysaa Maxamed Cabdi Waare (Madaxweynihii hore ee HirShabelle), in ay Maxkamadda G/Banaadir ka taalo dacwad madani ah, kuna hor yimaado mudo dhan 15 Maalmood gudahood ah, oo ka billaabaneysa, maanta oo ay taariikhdu tahay 02/08/2021, kuna eg 16/08/2021.”

Maxkamadda ayaa Waare uga digtay in haddii uusan hor-iman ay ka qaadi doonto tallaabo sharciga waafaqsan.

“Haddaba waxaa lagula socodsiinaayaa in aad waqtiga dhowrto, haddii aad ku imaan weyso mudadaas, in ay maxkamaddu qaadi doonto tallaabo sharciga waafaqsan.”

Illaa iyo hadda ma cadda, sida uu madaxweyne Waare uga jawaabay arrintan, waxaana Caasimada Online ay isku dayday inay la xiriirto oo ay wax ka weydiiso balse uma suurta-gelin.

BAAFIN-118-1.jpg

The post Madaxweynihii ee HirShabelle oo looga yeeray maxkamada Gobolka Banaadir (Aqriso) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this