Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliban oo qabsaday saddex magaalo oo ka tirsan Afghanistan

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxda Taliban ayaa todobaadkan saddex caasimad goboleed ka qabsaday dowladda Afghanistan.

Dagaalka ayaa sii xoogeysanayey wixii ka dambeeyey bishii May, markii ciidamada ajnabiga ay billaabeen wejigii ugu dambeeyey ka bixitaankooda dalka, oo la filayo in lasoo geba-gebeeyo bishan.

Caasimad goboleedyada kala ah Kunduz, Sar-e-Pul iyo Taloqan oo ku yaalla waqooyiga dalkaas ayaa saacado gudahood waxay dhammaantood Axaddii ugu gacan galeen Taliban, sida ay xaqiijiyeen sharc-dejiyayaal, ilo-waeedyo amni iyo dadka deegaanka.

Wasaaradda Difaaca Afghanistan ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay weli dagaalka wadaan si ay dib ugu qabsadaan magaalooyinkaas.

PUNTLAND POST

The post Taliban oo qabsaday saddex magaalo oo ka tirsan Afghanistan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this