Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Rooble oo maanta ku wajahan magaalada Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta oo Talaado ah ku wajahan magaalada Nairobi ee caasimadda waddanka Kenya.

Ra’iisul wasaare Rooble, ayaa marti-qaad rasmiya ka helay madaxweynaha dalka Kenya, Uhuro Kenyatta, waxaana la filaya in Rooble iyo Kenyatta wada-hadalo ku yeeshaan magaalada Nairobi.

Labada mas’uul ayaa sida wararku sheegayaan ka wada-hadli doona adkaynta xiriirka labada waddan iyo iskaashiga dhinacyada Amniga, Socdaalka iyo Ganacsiga.

Maalin ka hor, Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan gaar ah la yeeshay wasiirka Arrimaha dibadda Kenya Raychelle Omamo oo booqasho ku timid magaalada Muqdisho.

Waxa xusid mudan, in xukuumadda Federaalka oo war soo saartay kulankaas kadib ay caddaysay in arrinta badda aysan ku jirin qodobada laga wada-hadlay.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Rooble oo maanta ku wajahan magaalada Nairobi appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this