Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixinta khasaaraha Ka Dhashay Roobkii Xalay Ka Da’ay Magaalada Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

khasaaraha Ka Dhashay Roobkii Xalay Ka Da’ay Magaalada Hargeysa

 

 dhaawac-1.jpg

Ciidanka Caasimada Hargeysa ayaa ilaa xalay ilaa caawa ka hawlgalayay khasaarayaal kala duwan oo ay keeneen Roob weyn oo ka da’ay magaalada hadaba, warbixinta samata bixinta khasaarihii ka dhashey iyo badbaadooyinkii ciidanku sameeyeen raxmaadkii Eebe ee caawa ku hoorey caasimada Hargeysa oo faahfaahsan waxay kala tahay :-

1-Dooxa weyn ee magaalada Hargeysa waxaa laga soo badbaadiyay laba Wiil oo dhalinyaro ah oo daadku la tagey, waxaana la gaadhsiiyay cisbitaalka weyn ee Hargeysa, iyadoo ay soo gaadheen dhaawacyo fudud.

2-Dooxa weyn gaar ahaan aaga Hotel Maamuus waxaa daadku la tagey laba gaadhi oo kala ahaa Vitz iyo Iskarogo, hasayeeshee waxaa ciidanku ka samatabixiyay dadkii saarnaa Gaadiidkaas.

3-Dagmada Gacan-Libaax gaar ahaan Iskuulka Imaaraadka laag u dhaw waxaa laga soo badbaadiyay gaadhi Lancruiser ah.

  1. Dab ka kacay guri buul ah oo ku yaala barakacayaasha Malawle ee degmada Ibraahim Koodbuur, ciidanka ayaa ku guuleystay daminta dabkaas.

5.Laba gaadhi oo laago laga saaray degmooyinka Axmed dhagax iyo Maxamuud Haybe.

  1. Isgoyska Total Shoodh laydh ka kacay biraha xayaysiisyada ayaa isagana ciidamadu damiyeen.

Guud ahaan hawlgalada ciidanka Dab-demisku u gurmadeen ilaa hadda ayaan jirin dhimasho iyo dhaawac la soo sheegay, waxaana ilaa hadda ciidanka Dab-demisku ku gudajiraan gurmadkaas.

amb-e1628566248855.jpg

Hawlgaladan waxaa iyaguna dhankooda gurmadka ku jiray ciidanka Booliska, cisbitaalka weyn iyo dawlada hoose Hargeysa.

granda.jpg

Ugu dambayn Taliyaha ciidanka dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada inay sameeyaan taxadar dheeraad ah xilliyada Roobabka, sidoo kalena ka fogaadaan Dooxyada, laagaha, biyo mareenada iyo xadhkaha Korontada.

landcruiser-e1628566293670.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this