Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay oo $7.2 Milyan ku bixinaysa doorashada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16285204163608180.jpg?resize=720%

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala saxiixday lacag dhan $7.2 Milyan oo qeyb ka ah dhaqaalaha ku baxaya doorashada Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu yiri “Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa maanta la saxiixday Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya $7.2 M (Todobo Milyan iyo Labo Boqol Kun oo Doolar ) oo qeyb ka ah Miisaaniyadda doorashooyinka dalka.

“Yaboohan ayaa fududeyn doono dardargalinta doorashooyinka bilowday” ayaa la sii raaciyay qoraalka.

Dhawaan ayaa sidaan oo kale loo filayaa
in Beesha Caalamka ay dhaqaale kale ugu yaboohdo doorashada Soomaaliya oo dhaqaaluhu ka mid yahay caqabadaha dib u dhigay.

Beesha Caalamka ayaa horay u ballanqaaday in ay taageero dhaqaale siin doonto haddii ay noqoto mid daahfuran oo xor ah.

PUNTLAND POST

The post Qaramada Midoobay oo $7.2 Milyan ku bixinaysa doorashada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this