Sign in to follow this  
Deeq A.

Shaqsiyad Aaminsan in Diinta & Siyaasada la kala saaro oo Bartilmaamed ka dhigtay  Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiilada S/land

Recommended Posts

Deeq A.   

Shaqsiyad Aaminsan in Diinta & Siyaasada la kala saaro oo Bartilmaamed ka dhigtay  Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiilada S/land

hereridafac.jpg
Doorashadii Shir-Gudoonka Golaha Wakiilada ka dib waxa isa soo taraya weerarada ku wajahan Gudoomiyaha Golaha Cabdirisaq Khalif ee ka imanaya xoogaga lagu xanto inay ka tirsan yihiin Calmaaniyada ah in diinta laga ilaaliyo maamulka dowliga ah (secularists). Tusaale ahaan, Abdisalam Hereri oo ka socda TV-ga Universal, ayaa su’aalo anshax daro ah (unethical) oo shakhsi weerar ah (personal attacks) waydiiyey Gudoomiye Khalif. Su’aalahaa waxaa ka mid ahaa: “miyaad ka tirsanaan jirtay ururkii Al-Itixaad?” Waxaynu ogonahay inay ugu danbaysay jiritaanka Al-Itixaad sagaashanaadkii (1990-naadkii), manaan fahmin sababta uu su’aashaa u waydiiyey waayo siyaasiyiinta Somaliland lama waydiiyo inay hogaamiye kooxeed, dayday iyo dagaal ogayaal ahaayeen sagaashanaadkii (1990-naadkii). Sababta aan loo waydiini waxay tahay in laga soo gudbay xaaladii 30 sanno ka hor lagu jiray.
hereri.jpg
Sidoo kale, Guuleed Dafac, ayaa isna soo dhigay Facebook-giisa aragtidan:
“Gudoomiye Cabdirisaaq Khaliif arimaha maaliyadda ee ay ka mid yihiin xawaaladaha iyo bangiyada waa in aanu qayb ka noqon doodaha Baarlamaanka ee ku saabsan oo aanu gudoomin Golaha xilliyadaas (recuse himself) sababta oo ah dano gaar ah ayuu ku leeyahay (conflict of interest) oo kama caddalad samayn karo. Waxba kama duwana Faratoon inuu gudoomiyo fadhigii lagu dooranayay Gudoomiyaha.”
dafac.jpg
Waxaan waydiinayaa Guled Dafac miyaanu Gudoomiyaha Maxkamada Sare u ogolaan Faratoon inuu gudoomiye kulankii Golaha Wakiilada? Sow arintaa sharci umuu arkayn  Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyadoo conflict of interest ah? Ma waxaad ka rabtaa Gudoomiye Khalif wax ka sareeya(above and beyond the legal requirement, i.g., Ethics) waxa Somaliland lagaga dhaqmo? Ma standard gaar ah baad u samaysatay Gudoomiye Khalif  adoo ku colaadinaya kaliya waa wadaad diin ku dhaqma?
Kooxaha diidan in dadka qiyamka diiniga lehi dowladnimada soo dhex galaan walwal baa ku bilaamay laakiin bilaash bay u baqayaan waayo dowladnimadeenu waxay u baahan tahay dad leh aqoon (knowledge) iyo amaano (trustworthy).
Abdillahi Xuseen

Abdullahi Hussein <abhussein1988@gmail.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this