Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir ka tirsan Puntland oo Garoowe ku geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   
MARXUUMKA.jpg?resize=607%2C541&ssl=1

Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Hawlaha guud iyo Gaadiidka Puntland, Asad Xuseen Xaashi ayaa saaka ku geeriyooday magaalada Garoowe, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaraddaas.

Marxuumka oo sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay ku xanuunsanaa Garoowe, ayaa sida la xaqiijiyay u geeriyooday xanuunka COVID-19.

 Shalay ayaa la dhigay qaybta bukaanada xaaladoodu culustahay ee Cusbitaalka, isagoo naqaska lagu siinayey mishiinka dadka ka caawiya hawo qaadashada.

Saaka ayuu ku geeriyoodey Cusbitaalkii lagu dabiibayey, iyadoo maanta la qorshaynayey in dalka dibadiisa loo qaado.

PUNTLAND POST

The post Wasiir ka tirsan Puntland oo Garoowe ku geeriyooday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this