Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa xiga tallaabada uu qaaday ROOBLE ee uu kaga horyimid qorshaha Farmaajo?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay jawaab rasmi ah ka bixiyey dagaal siyaasadeed ka dhex-qarxay isaga iyo madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Dagaalkan ayaa soo shaac baxay kadib markii Farmaajo uu soo saaray wareegto u muuqata in lagu beegsaday Rooble oo lagu sheegay “in laga reebay xukuumadda iyo hay’adaha dowladda inay galaan is-afgarad ama wadahadallo saameynaya mustaqbalka dalka, madaxbannaanida qaranka, seeraha dhuleed iyo badeed ee dalka, iyo ganacsi lala galo dowlado kale inta doorashooyinka dalka lagu guda jiro.”

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Farmaajo ugu jawaabay una sheegay in awoodaha fulinta dalka ay leedahay xukuumadda, ayna la wareegtay xilli aad u adkaa oo Soomaaliya ay wajahaysay xiisado gudaha iyo dibadda ah, kuwaas oo keenay in lagu sigto in dalku uu ku noqdo burbur iyo colaado sokeeye.

Rooble ayaa sheegay in isaga cuskanaya Qodobka 97-aad faqradiisa 1-aad ee Dastuurka KMG ah, awoodda fulinta ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ay leeyihiin golaha Wasiirrada, ayna u qabanayaan sida Dastuurka ku tilmaaman, ay tahay hay’adda ugu sarreyso fulinta maamulka dalka.

Maxaa xiga tallaabada uu qaaday Rooble?

Arbushaadda iyo daan-daansiga siyaasadeed ee Farmaajo iyo jawaabta Rooble ayaa waxaa xigi doona waxa dhaca Talaadada, marka uu ra’iisul wasaaraha Rooble tago dalka Kenya, halkaasi oo uu kula kulmi doono Uhuru Kenyatta.

Waxaa la dhowrayaa tallaabada uu qaadi doono Rooble. Haddii uu ra’iisul wasaaraha saxiixo heshiiska ganacsi ee Kenya, dibna u fasaxo qaadka Kenya, waxay ka dhignaan doonta in isaga iyo Farmaajo ay kala tageen, islamarkaana ra’iisul wasaaraha uu muujiyey in Farmaajo muddo xileedkiisu dhacay, oo talada iyo go’aanada xukuumadda ay isaga ka fulaan.

Si kastaba, haddii Rooble uu safarkaas kasoo noqdo isaga oo aan dib u fasaxin qaadka Kenya, ama aan heshiis soo gelin, waxay tusmeyn doontaa in talada iyo awoodda xukuumadda ay gacanta ugu jirto Farmaajo, oo Rooble uu weli yahay maahsanihii lagu sheegi jiray.

Haddii Rooble uu qaadka dib u fasaxo, waxay sidoo kale ka dhignaan doontaa in Farmaajo si rasmi ah uu siyaasad ahaan u dhintay, waxayna wareegtadii uu soo saaray isugu rogi doontaa mid ka mid ah gefefkii siyaasadeed ee ugu weynaa ee uu galo. 

Dhinaca kale, dagaalkan siyaasadeed ayaa waxaa aad u daawanaya musharaxiinta mucaaradka, oo eegaya sida Rooble u falceliyo.

Haddii Rooble uu fasaxo qaadka Kenya, una bareero dagaalka Farmaajo, waxay kaga faa’iideysan karaan inay kusii dhowaadaan ra’iisul wasaaraha oo gacanta ku haya maamulka doorashada, taasi oo wiiqi karta rajada dib u doorasho ee Farmaajo.

The post Maxaa xiga tallaabada uu qaaday ROOBLE ee uu kaga horyimid qorshaha Farmaajo? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this