Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Murashixiinta oo ka shiray Khilaafka Farmaajo iyo Rooble

Recommended Posts

Deeq A.   

Shir ay aalada fogaan araga ku yeesheen xubno ka tirsan Midawga musharixiinta ayay aad uga hadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan khilaafka Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ridwaan Xersi Maxamed oo kamid ah Xubnaha hoggaanka Midowga Musharixiinta ayaa sheegay in ay kulanka ku taageereen Go’aanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo dardar gelinta howlaha doorashooyinka iyo  heshiisyada hay’adaha dawladdu galayaan gudo iyo dibadba.

Habeen ka hor Madaxweyne Farmaajo ayaa soo saaray qoraal uu Hay’adaha dowladda kaga joojinayo in ay heshiisyo galaan, balse shalay gelinkii dambe Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha uu kasoo horjeestay qoraalkaas lana sheegay in Xukuunadda ay awood u leedahay heshiisyo kasto oo aan dalka waxba u dhimeyn.

PUNTLAND POST

The post Midowga Murashixiinta oo ka shiray Khilaafka Farmaajo iyo Rooble appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this