Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan gaar ah la yeeshay Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Recommended Posts

Deeq A.   
3-7.jpg?resize=750%2C430&ssl=1

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya maxamed Xuseen Rooble iyo hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa xalay Magaalada muqdisho ku yeeshay kulan xasaasi ah oo looga hadlay arrimo ku saaabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Kulanka labada mas’uul oo ahaa mid albaabadu xiran yihiin ayaa ka dhacay hoyga Ra’iisul Wasaaraha, waxaana looga hadlay arrimaha taagan ee siyaasadda dalka, gaar ahaan waxaa labada mas’uul ay kaga wada hadleen doorashooyinka iyo xaaladdihii ugu danbeeyey ee siyaasadda dalka.

Musharrax Madaxweyne Cabdiraxmaan C/shakuur oo kulanka kadib qoraal soo saaray ayaa sheegay in kulanku ahaa mid muhiim ah, oo ay isaga warsadeen arrimaha doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladdaha siyaasadeed ee dalka.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan gaar ah la yeeshay Cabdiraxmaan Cabdishakuur appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this