Sign in to follow this  
Deeq A.

Hargeysa: in ka badan 48 qof oo laga badbaadiyay daadad

Recommended Posts

Deeq A.   

Roobab xooggan xalay ka da`ay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Roobabka ayaa daad ku fatahay xaafadaha kala duwan ee magaalada Hargeysa islamarkaana halis geliyay nolosha dadweynaha qaarkood.

Ciidamada dab-demiska Somaliland ayaa sheegay in ay samata-bixiyeen dad kor u dhaafaya 48 ruux oo isugu jiray carruur iyo waayeel, ka dib markii biyo ugu galeen guryahooda.

Saraakiisha dab-demiska ayaa sidoo kale tilmaamay in ay gaadiid kala duwan ka reebeen daadad xooggan.

PUNTLAND POST

The post Hargeysa: in ka badan 48 qof oo laga badbaadiyay daadad appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this