Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo taageertay Rooble

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16284505723694591.jpg?resize=720%

Puntland ayaa taageertay go’aankii Ra’iisul Wasaare Rooble kaga horyimid wareegtadii madaxweyne Farmaajo xukuumaddiisa kaga joojiyay galitaanka heshiisyada iyo is af-garadyada.

Qoraal kooban oo ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in dowladda Puntland ay Ra’iisul Wasaare Rooble ku bogaadinayso hogaaminta dalka ee muddada kala guurka ah, hirgelinta doorashada iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay adduunka.

“Dowladda Puntland waxay ku boggaadinaysaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xusseen Rooble, hogaaminta Dalka ee muddada kala guurka ah, hirgelinta doorashada iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay adduunka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Puntland waxay sheegtay in ay markasta aaminsan tahay sarreynta sharciga sida ku cad qodobka 4-aad ee Dastuurka ku meel gaarka ah.

“Dowladda Puntland waxay markasta aaminsan tahay sareynta sharciga sida ku cad qodobka 4-aad farqadiisa 1-aad ee Dastuurka ku meel gaarka ah” ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka madaxtooyada.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo taageertay Rooble appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this