Sign in to follow this  
Deeq A.

Faransiiska oo Soomaaliya soo gaarsiiyey deeq tallaalka AstraZeneca ah + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Faransiiska ayaa ugu deeqday Soomaaliya 108,000 oo darsin oo tallaalka COVID-19 ee AstraZeneca, si loo xoojiyo barnaamijka tallaal ee dalka. Deeqdu waxa ay soo gaadhay Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde maanta 08 agoosto 2021.  

Daawadan waxa kala wareegtay COVAX global initiative, Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya. COVAX waxa ay la shaqaysaa dawladaha iyo warshadaha si loo hubiyo in tallaalka COVID-19 adduunka oo dhan laga heli karo, dalalka dakhliga sarreeya iyo kuwa dakhliga hooseeyana wada heli karaan. COVAX waxa wada hoggaamiya Isbahaysiga Coalition for Epidemic Preparedness Innovations (CEPI), Gavi oo ah Xulafada Tallaalka iyo Ururka Caafimaadka Aduunka (WHO). 

108,000 ee darsin waxa ay dardargalinayaan dadaallada tallaalka Soomaaliya oo bilaabmay badhtamihii Maarso 2021, markii uu dalka soo gaadhay tallaalkii ugu horreeyay ee COVAX keento oo dhannaa 300,000 oo darsin oo tallaalka AstraZeneca ee COVID-19 ka ah. Soomaaliya waxa ay qorshaynaysaa in ay u tallaasho shacabkeeda ugu yaraan 20% dhawr qaabood oo kala horreeya. Ugu horraynta waxa awoodda la saarayaa shaqaalaha jiidda hore iyo dadka ugu nugul oo ay ku jiraan dadka da’da ah.  

Barbara Nel, Madaxa Afrika ee AstraZeneca ayaa tidhi: “In 108,000 oo darsin oo ah tallaalka COVID-19 ee AstraZeneca soo gaadhaan Muqdisho waxa ay war lagu farxo u tahay shacabka Soomaaliya”  

“Dhammaan shaqo wadaagta Isbahaysiga Tallaalku wakhtiga oo dhan waxa ay ka shaqaynayaan sidii ay u hubin lahaayeen in tallaalka COVID-19 gaadho inta ay suurtagal tahay dalalka Afrika. Maanta in uu Soomaaliya soo gaadhay waxa ay muujinaysaa qiimaha wadashaqaynta xukuumadaha, warshadlayda iyo dhinacyada kalaba u leedahay in laga jawaabo baahida dagdagga ah ee qaaradeennan ka jirta”  

“AstraZeneca aniga oo u hadlaya, waxa aan jecelahay in aan uga mahadceliyo Wasiirka Caafimaadka Fawsiya Abiikar Nuur, dawladda Faransiiska iyo shaqo wadaagtayada Xulafada COVAX, Ururka Caafimaadka Aduunka, Gavi, CEPI iyo UNICEF suuragalinta hawshan.” 

“Tallaalka COVID-19 ee AstraZeneca qiyaastii 90% ayuu ka yahay COVAX inta ay bixisay taariikhdan maanta, iyada oo ah in ka badan 80 milyan oo darsin oo la gaadhsiiyay 127 dal, oo ay ku jiraan in ka badan 38 dal oo Afrikaan ah.”  

“AstraZeneca waxa ka go’an in ay tallaalka u fidiso sida ugu balladhan iyo si sinnaan ah aduunka, oo aan macaash lahayn inta safmarku jiro. Tallaalka COVID-19 ee AstraZeneca wuxu caawiyay badbaadinta tobannaan kun oo nafood iyo ka hortagga in kumannaan kale dhakhtar jiifsadaan tan iyo bilawgii sannadkan”  

WhatsApp-Image-2021-08-08-at-7.29.17-AM. WhatsApp-Image-2021-08-08-at-7.29.27-AM. WhatsApp-Image-2021-08-08-at-7.50.03-AM. WhatsApp-Image-2021-08-08-at-7.50.04-AM. WhatsApp-Image-2021-08-08-at-7.50.04-AM- WhatsApp-Image-2021-08-08-at-7.50.04-AM-

The post Faransiiska oo Soomaaliya soo gaarsiiyey deeq tallaalka AstraZeneca ah + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this