Sign in to follow this  
Deeq A.

Laba Siyaasi oo laga caydhiyey Xisbiga Waddani

Recommended Posts

Deeq A.   
Laba Siyaasi oo laga caydhiyey Xisbiga Waddani
waddani.jpg

Xarunta Dhexe ee Xisbiga WADDANI waxaa saaka lagu qabtay Shirkii billaha ahaa ee Guddida Fulinta ee Xisbiga WADDANI, Shirkaas oo lagu kala dhageystay Warbixinaha Guddida Fulinta, sida oo kale warbixinno lagaga dhageystay Xubno ka socday Madaxda Qurbaha ee Xisbiga iyo Hoggaanka Xisbiga oo warbixin dheer ka siiyey Guddida wadadii dheereyd ee loo soo maray Guusha Xisbigu ka gaadhay Doorashooyinka.

Sida oo kale Hoggaanka Xisbigu waxa ay Guddida Fulinta u soo jeediyeen Anshax Marin Laba mas’uul oo ka tirsana Xisbiga kuwaas oo ku gefay marar badan Xeerarka Xisbiga iyo Mabaad’iida Guud ee uu u taagan yahay Xisbiga WADDANI, kuwaas oo kala ah: 1. Mudane Cabdillaahi Axmed Maxamed iyo 2. Mudane Ibraahim Mahdi Buubaa, iyaga oo lagu soo oogay in jabiyeen qoddobada lagu waayo Xubinnimada Xisbiga WADDANI ee Xeer Hoosaadka Xisbiga, ee kala ah Qoddobka 9aad iyo Qoddobka 10aad.

Guddida Fulinta ee Xisbiga WADDANI waxa ay cod gacan tag ah oo Aqlabiyad ah Hoggankii, Fulintii, Golaha Dhexe iyo Xubinnimada Xisbiga kaga saareen Mudane Cabdillaahi Axmed Maxamed, iyo sida oo kale waxa ay cod gacan tag ah oo aqlabiyad ah Fulintii, Golihii Dhexe iyo Xubinnimadii kaga saareen Mudane Ibraahim Mahdi Buubaa.

233758689_257877096164510_52298568697861
234088651_257877156164504_54975716870923
231628058_257877209497832_44708366782437
232956472_257877279497825_83861161530370

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this