Sign in to follow this  
Deeq A.

Muran hareeyay tartanka ciyaaraha gobolada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
  • 20210808_160810.jpg?resize=720%2C442&sslXulka Nugaal oo u baxay wareega afar dhamaadka

Kulan ka tirsan tartanka ciyaaraha gobolada Puntland oo maanta dhexmari lahaa xulalka Nugaal iyo Sanaag ayaa dhicin, markii xulka Sanaag uu ka baxay garoonka ciyaaraha Mire Awaare ee Garowe.

Xulka Nugaal ayaa la siiyay saddexdii dhibcood ee kulanka, waxayna sagaal dhibcood ugu baxeen wareega afar dhamaadka tartanka.

Xulka Sanaag ayaa qoraal ka soo baxay ku sheegay in ay garoonka uga baxeen markii ay arkeen ciyaaryahan labo jaalle horey u qaatay oo u safan xulka Nugaal.

Sidaan oo kale shalay waxaa muran u baaqday labo kulan oo ay ciyaari lahaayeen Mudug VS Gardafuu iyo Karkaar VS Cayn, kuwaas oo markii dambe loo wareejiyay 11 bishan Agoosto.

Sababta muranku u hareeyay tartanka ciyaaraha gobolada Puntland ayaa khuburada ciyaaraha ku xeeldheer ku sheegeen in aysan jirin xeerar hagaya tartanka oo u dagsan xiriirka kubadda cagta Puntland.

Xiriirka kubadda cagta Puntland iyo wasaaradda ciyaaraha iyo dhalinyara ayaa ilaa hadda war ka soo saarin muranka hareeyay tartanka ciyaaraha gobolada Puntland.

PUNTLAND POST

The post Muran hareeyay tartanka ciyaaraha gobolada Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this