Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka arrimaha dibadda KENYA oo timid Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi culus oo ka socda dowladda dalka Kenya, isla-markaana ay hoggaamineyso wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi, Raychelle Omamo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Raychelle Omamo iyo wafdigeeda ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhoweeyey wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Cabdirisaaq & mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

Wararka ayaa sheegaya in wasiirka arrimaha dibadda Kenya ay wada-hadallo gaar ah la yeelan doonto dhiggeeda Soomaaliya, sidoo kalena waxay la kulmi doontaa ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday.

Inta badan wada-hadalladan ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, si meesha looga saaro mad-madowga soo kala dhex-galay labada dhinac.

Sidoo kale ilo wareedyo ka tirsan Villa Soomaaliya ayaa innoo xaqiijiyey in wada-hadalladan waxyaabaha looga hadli doono ay sidoo kale ka mid yihiin isu socodka shacabka labada dal, xiriirka ganacsi iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee dhowaan dib loo soo celiyey.

Sida aan xogta ku helnay kulamadan ayaan wax shaqo ah ku laheyn arrimaha badda iyo dhex-dhexaadin la sheegay in Midowga Afrika uu isku dayi doono inuu ka dhex-sameeyo labada dal ee dariska ah Soomaaliya iyo Kenya, si loo dhammeeyo khilaafka ka dhexeeya.

Socdaalka wafdigan sare ee ka socda Kenya, isla-markaana soo gaaray Muqdisho ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah oo ay Soomaaliya ku jiro marxalad doorasho.

The post Wasiirka arrimaha dibadda KENYA oo timid Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this