Sign in to follow this  
Deeq A.

CIRRO oo soo saaray digniin ku socota golaha wakiilada

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Wadani ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa soo saaray digniin ku socota xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland, kuwaas oo dhowaan doortay guddoon cusub.

Cirro ayaa sheegay in golahan looga baahan yahay in uusan ku milmin awood ahaan xukuumadda, isla-markaana looga fadhoyo inay la yimaadaan isla xisaabtan dhab ah.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii waya ayaa ugu baaqay labada dhinac in mid weliba uu guto waajibaadka saaran, si loo gaaro horumarka ay haatan hiigsaneyso Somaliland.

“Baarlamaanku waa hay’ad ka mid ah saddexda waaxood waxa loo sameeyay waa in mid weliba gaarkeeda ay wax u qabato oo ay isla xisaabtamaan balse looma sameyn in ay isku milmaan,” ayuu yiri guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro).

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in saddexda waaxood ee Sharci dejinta, Fulinta iyo Garsoorka ay ka dhexeyso wada-shaqeyn, balse loo baahan yahay in hay’ad kasta lagu cadaadiyo wax -qabadkeeda, si loo helo daah-furnaan ku yimaada isla xisaabtan dhab ah.

Sharci dejinta, fulinta & Garsoorka waa saddex waaxood oo wadashaqeyn ka dhaxeysa oo kala madaxbannaan si Dowladda loo xakameeyo, taas micnaheedu ma aha in lugaha looga dhegayo balse waa in lagu cadaadiyaa waxqabad,” ayuu markale yiri gudoomiyaha Wadani.

Hadalkan ayaa wuxuu kusoo aadaya, xilli dhowaan doorashadii guddoonka golaha wakiilada maamulka Somaliland ay kusoo baxeen xisbiyada mucaaradka ee Wadani iyo UCID oo la wareegay hoggaanka golaha, gaar ahaan guddoomiyaha iyo sidoo kale labadiisa ku xigeen.

The post CIRRO oo soo saaray digniin ku socota golaha wakiilada appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this