Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar lagu dilay askar oo ka dhacay duleeda Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Ksimaayo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda, kuwa Jubbaland oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib weerar ay xoogaga Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Baarsanguuni oo dhaca duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu ka dhacay halkaasi, kaas oo geystay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in dagaalka uu saameyn ku yeeshay, isla-markaana dhawaqa rasaasta laga maqlayey meelo fog-fog oo deegaanka ah.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey, waxaana ay shaacisay inay ku dishay ugu yaraal illaa 8 askari, sida ay hadalka u dhigtay.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegatay in askarta la dilay uu ku jiro sarkaal sare oo ay magaciisa ku sheegtay Yuusuf Aadan, kaas oo ka mid ah saraakiisha ka howl-gala halkaasi.

Qoraalka ka soo baxaya Al-Shabaab ayaa intaasi ku sii daraya in sidoo kale dagaalkan ‘ay ku furteen’ illaa 5 qoray oo nooca AK47 ah.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana goobihii lagu dagaallamay ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland oo dhaq-dhaqaaqyo ka billaabay deegaanka Baarsanguuni.

Si kastaba Kismaayo iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday howl-gallo iyo dhaq-dhaqaaqyo milatari oo ka dhan ah dagaalyahanada Al-Shabaab.

The post Weerar lagu dilay askar oo ka dhacay duleeda Kismaayo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this