Sign in to follow this  
Deeq A.

Marykanka oo cambaareeyay weerar ka dhacay Suuriya

Recommended Posts

Deeq A.   

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa si kulul u cambaareeyay weerar Arbacadii Xukuummadda Suuriya ee uu hoggaamiyo Bishaar Al-Asad ku qaaday magaalada Daraa al-Balca ee koonfur galbeed Suuriya.

Blinken ayaa ku baaqay in si deg -deg ah loo joojiyo rabshadaha, oo ay ku dhinteen dad rayid ah, ayna ku barakaceen kumanaan rafaad iyo cunto yari soo wajahday.

Maamulka Suuriya ayaa dib u cusbooneysiiyay weeraradii ay ku hayeen Daraa al-Balca kadib markii uu fashilmay wadahadaladii dhexdhexaadinta ee uu hogaaminayay Ruushka oo u dhaxeeyay Xukuummadda Asad iyo xoogaga mucaaradka.

PUNTLAND POST

The post Marykanka oo cambaareeyay weerar ka dhacay Suuriya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this