Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo xirtay Ganacsade Turki ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Harun Aydin ayaa laga qabtay Garoonka Diyaaradaha JKIA ee magaaladda Nairobi, xilli uu la socday Diyaarad Rakaab oo ka timid Uganda.

Saraakiil ka tirsan Waaxda Socdaalka iyo Booliska dalkaasi ayaa la sheegay in ay Muwaadinka Turkish-ka kaxaysteen, waxayna markii hore gudbiyeen Xafiiska La-dagaalanka waxa loogu yeeray Argagixisada oo ku yaalla wadada Ngong Road ee Nairobi, kadibna waxay u gudbiyeen Saldhig Boolis oo ku yaalla Deegaanka Nairobi.

Saraakiisha waxay sheegeen inay wax ka weydiinayaan isfahan Sharci uu ku joogo Kenya iyo waxay tahay Shaqada uu ka hayo Kenya ka sokow Qaaradda Afrika.

Harun Aydin ayaa jaal dhow William Ruto, wuxuuna Uganda ku maqnaa tan iyo bishan August 2-dii.

PUNTLAND POST

The post Kenya oo xirtay Ganacsade Turki ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this