Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka iyo Ingiriiska oo dadkooda kala baxaya Afganistan

Recommended Posts

Deeq A.   

Safaaradaha Mareykanka iyo Ingiriiska ee fadhigoodu yahay dalka Afganistan ayaa ku baaqay in muwaadiniintooda ka jooga halkaasi ay si dhaqso ah uga baxaan dalkaasi.

Bayaan ay soo saareenayaa lagu yiri“ waxaan muwaadiniinta labada dal  ee ku sugan dalka Afghanistaan ugu baaqeyna inay si deg deg ah uga baxaan dalka iyagoo raacaya duulimaayada ugu soo horeeya”.

Madaxda Safaaradahaasi ayaa intaas ku daray inay xaddidantahay caawinaadda ay bixini karaan safaaradaha sabab amni oo jira aawadeed,waxayna muwaadiniintooda kula taliyeen inay si dhaqso ah uga  baxaan Afghanistan.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu codsaday muwadiniinta jooga Afghansitaan inay la soo  xiriiraan safaaradaha si loo qorsheeyo amba bixidooda.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka iyo Ingiriiska oo dadkooda kala baxaya Afganistan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this