Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya oo maanta ku wajahan Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Arrimaha dibadda waddanka Kenya, Raychelle Omamo ayaa lagu wadaa, in ay maanta oo Axad ah booqasho ku timaado magaalada Muqdisho.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa sheegtay in wasiir Omamo, inta ay ku sugantahay magaalada Muqdisho ay kulamo la qaadan doonto wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud.

Sidoo kale, waxay sheegeen in ay la kulmi doonto Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiir Raychelle Omamo ayaa mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya kala hadli doonta arrima ku saabsan dacwadda badda ee u dhexaysa labada waddana, sida ay sheegtay warbaahinta Kenya.

Balse, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowlada Soomaaliya iyo dowladda Kenya oo la xiriira booqashada Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya.

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya oo maanta ku wajahan Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this