Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal culus oo ka dhacay duleedka Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay weheliyaan Daraawiishta Jubaland, oo ku sugan Gobolka Jubada hoose, ayaa halkaas dagaal culus kula galay dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Dagaalka oo ka dhacay degaanka Baar-sanguuni, ayaa sida wararku sheegayaan khasaare dhimasho iyo dhaawac leh sababay, inkastoo aan faahfaahin dheeriya laga hayn.

Saraakiisha Ciidamada ayaa laga soo xigtay, in ay iska caabiyeen dagaallamayaasha Al-shabaab oo weerar ku soo qaaday saldhiga Baar-sanguuni, islamarkaana khasaare kala duwan la gaarsiiyay Al-shabaab.

Dhinaca kale, Al-shabaab ayaa sheegtay in ay weerarka ku dileen 8 askari oo ka tirsan Ciidamada Federaalka iyo kuwa Jubaland, kuwaas oo uu ku jiro sarkaal sare oo magaciisa lagu sheegay Yuusuf Aaden.

PUNTLAND POST

The post Dagaal culus oo ka dhacay duleedka Kismaayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this