Deeq A. Posted August 8, 2021 Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay weheliyaan Daraawiishta Jubaland, oo ku sugan Gobolka Jubada hoose, ayaa halkaas dagaal culus kula galay dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab. Dagaalka oo ka dhacay degaanka Baar-sanguuni, ayaa sida wararku sheegayaan khasaare dhimasho iyo dhaawac leh sababay, inkastoo aan faahfaahin dheeriya laga hayn. Saraakiisha Ciidamada ayaa laga soo xigtay, in ay iska caabiyeen dagaallamayaasha Al-shabaab oo weerar ku soo qaaday saldhiga Baar-sanguuni, islamarkaana khasaare kala duwan la gaarsiiyay Al-shabaab. Dhinaca kale, Al-shabaab ayaa sheegtay in ay weerarka ku dileen 8 askari oo ka tirsan Ciidamada Federaalka iyo kuwa Jubaland, kuwaas oo uu ku jiro sarkaal sare oo magaciisa lagu sheegay Yuusuf Aaden. PUNTLAND POST The post Dagaal culus oo ka dhacay duleedka Kismaayo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites