Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya oo booqasho ku timid Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
1-12.jpg?resize=696%2C352&ssl=1

Wasiirka Arrimaha dibadda dowladda kenya, Raychelle Omamo ayaa maanta booqasho ku timid magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Raychelle Omamo, waxa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda.

Socdaalka Omamo oo bilow u ah xoojinta xiriirka labada waddan, ayaa ah kii u horreeyay oo ay ku timaado Soomaaliya tan iyo markii dib loo soo celiyay xiriirka labada dal.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ayaa casumaad rasmiya u sida Ra’iisul Wasaare Rooble oo lagu wado in uu Arbacada soo socota booqasho ku tago waddanka Kenya.

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya oo booqasho ku timid Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this