Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaare ka dhashay shil xoogan oo ka dhacay Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   
4-7.jpg?resize=708%2C531&ssl=1

Bas rakaab ah ayaa ku rogmaday galbeedka Turkiga subaxnimadii hore ee maanta oo Axad ah, waxa ku dhintay ugu yaraan 14 halka 18 kalana ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen kooxaha gurmadka degdegga ah.

Baska ayaa ka baxay xadka la koontarooli karo wuxuuna ku rogmaday wadada weyn ee Balikesir isagoo kusii jeeday Edremit oo ku taal galbeedka gobolka Balikesir, rakaabkii ku dhwaacmay ayaa loo qaaday cisbitaalada ku dhow goobta shilku ka dhacay.

Shilalka gaadiidka ayaa galaaftay boqolaal qof sanad walba guud ahaan dalka Turkiga iyadoo Guud ahaan dalka, 4,866 qof ayaa ku dhintay shilalka gaadiidka sannadkii hore halka 226,266 qof oo kale ay soo gaareen dhaawacyo, sida laga soo xigtay tirooyinka Machadka Tirakoobka Turkiga (TurkStat).

 Saddex meelood oo meel shilalka ayaa ka yimaada darawalada oo ka sarreeya xadka xawaaraha. Dawladdu waxay raadineysaa inay yareyso tirada shilalka iyadoo leh dhowr tallaabo.

PUNTLAND POST

The post Khasaare ka dhashay shil xoogan oo ka dhacay Turkiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this