Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arimaha Dibada kenya

Recommended Posts

Deeq A.   
2-11.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Kenya Raychelle Omamo taas oo booqasho hal maalin ah ku timid Soomaaliya.

,War ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ka wada-hadleen sare u qaadidda iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal ee dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

Xukuumadda Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa in dacwada muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya go’aankeeda laga sugayo Maxkamadda Caalamiga ee Caddaalada.” Ayaa lagu yiri warka Xafiiska Ra’iisul wasaaraha dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ka guddoomay casuumad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arimaha Dibada kenya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this