Sign in to follow this  
Deeq A.

Faransiiska Oo Talaalka Corona Soo Gaarsiiyay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya ayaa dhigeeda Faransiiska maanta ka gudoontay talaalka xanuunka Corona Virus dhuucisa Oxford/AstraZeneca ee COVID-19.

Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dowladda Faransiiska ay Soomaaliya ugu deeqday 108,000, kuwaas oo ah talaalka Corona.

Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa goordhaw laga soo dejiyay Talaalka halkaas oo ay dowladda Soomaaliya kala wareegtay Faransiiska Talaalka Oxford/AstraZeneca ee COVID-19.

War ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu yiri “Maanta oo ah 08 Aug 2021, waxaa dalka soo gaaray 108,000 talaalka Oxford/AstraZeneca ee COVID-19. Tallaalkan waxaa Soomaliya ugu deeqday Dowladda Faransiiska iyada oo soo marisay xarunta COVAX (CEPI, Gavi, UNICEF, WHO), ujeedaduna tahay in dalka, Wasaaraddda Caafimaadka waxa ay uga mahadcelinaysaa Dowladda Faransiiska deeqdan, waxaana loogu baaqayaa dhammaan Shacabka Soomaaliyeed in ay qaataan Tallaalka.”

233718293_4029471340509354_4523600875428
233342387_4029471457176009_1146450344539
229281373_4029471553842666_8498396991689
233431882_4029471637175991_8104094978508

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this