Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Arrimaha Dibbadda Kenya Oo Maanta Safar Ku Tagaysa Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Raychelle Omamo ayaa la filayaa inay maanta booqasho ku tagto magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Cs Omamo wasiirka arrimaha dibbada Kenya ayaa waxa ay inta ay ku sugan tahay Muqdisho ay kulamo la qaadan doontaa mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibbada Maxamed Cabdirizaq, ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo.

Sida ay qoreen qaar kamid ah saxaafada Kenya oo soo xiganaysa saraakiila ayna magacaabain oo ka tirsan wasaarada arrimaha dibadda Soomaaliya, booqashada Omamo oo ah tii ugu horeysay ee ay Soomaaliya ku timaado waxana ay la xidhiidhaa sidii ay ugala hadli lahayd dowlada Soomaaliya arrimo la xidhiidha muranka badda ee ka dhexeeya labada wadan.

Kenya ayaa 19 -kii July, 2021 -kii ka codsatay Guddiga Midowga Afrika in ay bixiyaan kaalmo farsamo oo la xidhiidha arrimaha xuduudda ay la wadaagto Soomaaliya iyada u dirtey qoraal.

Xidhiidhka Soomaaliya iyo Kenya u dhexeeya ayaa xumaa bilihii la soo dhaafay hase yeeshee dhexdhexaadin ay ka gashay dowlada Qadar ayaa sababay in labada dal ay dib u soo ceshtaan xidhiidhkooda.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowlada Soomaaliya iyo dowlada Kenya oo la xidhiidha booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this