Sign in to follow this  
Deeq A.

R/W ROOBLE oo si rasmi ah uga leexday waddadii dhax-dhaxaadnimada doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashadii shalay ka dhacday Muqdisho ee xubnaha guddoonka guddiga maamulaya doorashada gobalada Waqooyi ayaa daaha ka qaaday in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ka leexday jidkii dhax-dhaxaadnimada doorashada Soomaaliya. 

Rooble ayaa ku guul dareystay in uu wax ka qabto dooda guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ahaa astaantii Midnimada Waqooyi iyo Koonfur, waxaana la aaminsan yahay in Rooble ay ku adeegteen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed. 

Rooble kaliya kuma ekaan go’aankiisii ahaa in guddiga is doorto, ee sidoo kale waxa uu soo dhaweeyay natiijadii kasoo baxday is doorashadii guddiga ee shalay ka dhacday Teendhada Afisyooni ee Xeyndaabka Xalane. 

Guddiga SEIT ee gobalada Waqooyi ayaa ka kooban 11 Xubnood, afar iyo afar waxaa kala keenay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare, halka saddexda xubnood ee soo hartay ay magacaawday Xukuumada, waxaana la aaminsanyahay in rabitaanka Mahdi Guuleed ay ku yimaadeen, taasoo meesha ka saareysa dhax-dhaxaadnimadii Rooble. 

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo jeediyay talooyin badan oo uu ka muuqdo tanaasul iyo dabacsanaan, hase yeeshee waxaa muuqda in dhinaca Villa Somalia ay cadaadis badan saartay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kaasoo shalay qaatay go’aan aad u qaraar oo dhaawac ku ah wixii laga filayay Maxamed Xuseen Rooble. 

Loolankii Cabdi Xaashi ayaa u muuqda inuu halkaas kusoo xirmay, mana cadda halka u uku dambeyn doono mustaqbalkiisa siyaasadeed. Sidoo kale Mahdi Guuleed ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay maamulka doorashada xildhibaanada waqooyi.

The post R/W ROOBLE oo si rasmi ah uga leexday waddadii dhax-dhaxaadnimada doorashada appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this