Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Madaxweyne Qoor Qoor iyo Cali Ciid oo isku haya kursi ka tirsan Aqalka Sare

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Sida ay xog ku heshay Caasimada Online Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid ayaa waxaa soo kala dhex-galay khilaaf xooggan oo salka ku hayo kursi ka mid ah Aqalka Sare.

Kursiga ayaa ah midka uu hadda Senator Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex oo laga soo doortay magaalada Caabudwaaq oo ay degto beesha Mareexaan, waxaana loolanka ku saabsan yahay musharaxiinta loo soo sharxayo kursigaas.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Ciid ayaa la sheegay inuu doonayo in kursigaas lagala tashado, halka Qoor Qoor uu doonayo in kursiga uu u qoro qof ay wadato madaxtooyada Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in si gaar ah Cali Ciid uu u doonayo in kursigaas ay sanadkaan qaadato jufada uu ka yahay Mareexaan, waxuuna u rabaa gabar ay walaalo yihiin oo la yiraahdo Fardowsa.

Ma cadda, cidda ay Villa Somalia la rabto kursigaas, hase yeeshee waxaa jira warar sheegaya in labada dhinac ay ka siman yihiin in jufada hadda ku fadhisa laga wareejiyo, lana siiyo jufada Cali Ciid, balse waxa la isku hayo ay tahay qofka la siinayo.

Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex oo ah Senatorka afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey kursiga, ayaa wararku ay sheegayaan in Villa Somalia ay dooneyso in loo wareejiyo Golaha Shacabka. 

Qoor Qoor ayaa awood buuxda u leh cidda uu kusoo darayo liiska musharaxiinta mana cadda waxa uu sameyn doono Cali Ciid haddii Qoor Qoor ku gacan seero rabitaankiisa. 

The post Xog: Madaxweyne Qoor Qoor iyo Cali Ciid oo isku haya kursi ka tirsan Aqalka Sare appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this