Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu qorsheynayey Osama Bin Laden kahor inta aan la dilin? – Xog cusub oo la helay

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimada Online) – Osama Bin Laden waxa uu markii la dilayey qorsheynayey inuu khaarajiyo madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama, waxaa sidaas shaaca ka qaaday buug cusub.

“Markii ay soo dhowaatay sanad-guuradii tobonaad ee weerarkii 9/11, Bin Laden waxa uu aad u daneynayey inuu munaasabaddaas ku xuso weerar kale oo weyn,” ayuu Peter Bergen, oo fallanqeeya amniga qaranka Mareykanka ku qoray buuggiisa “Soo Bixiddii iyo Dhiciddii Osama bin Laden”, oo nuqul ka mid ah lagu daabacay wargeyska Wall Street Journal. 

“Waxa uu ku-xigeenadiisa u sheegay inuu doonayey ‘howlgal wax ku ool ah, oo sameyntiisa ay ka weyn tahay weerarkii 9/11,’” ayuu Bergen ku qoray buuggiisa oo badanaa saldhig looga dhigay dukementiyo laga soo helay guriga Bin Laden markii la dilay. 

“Waxa uu sheegay in dilitaanka madaxweyne Barack Obama ay aheyd ahmiyad weyn, hase yeeshee wuxuu sidoo kale isha ku hayey Jeneral David Petraeus oo xilligaas ahaa taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afghanistan,” ayuu qoray Bergen.  

“Bin Laden wuxuu kooxdiisa u sheegay inaysan isku mashquulin in la dilo madaxweyne ku-xigeenkii xilligaas Joe biden, oo uu u arkay ‘nin gebi-ahaanba aan u diyaarsaneyn’ jagada madaxweynaha. 

Bergen ma sheegin sababta Jihaadiyiinta ay sidaas ugu arkeen Biden, oo toban sano kadib geeridii Bin Laden noqday madaxweynaha Mareykanka.

Biden ayaa lagu warramay inuu kasoo horjeeday howlgalkii lagu dilay Bin Laden oo ay fuliyeen cutubka Seal Team Six ee ciidamada Marines-ka Mareykanka, sababtoo ah ma hubneyn in guriga la weeraray uu ku jiray Bin Laden 

Damaca Osama Bin Laden ee warar kale oo weyn ayaa salka ku hayey inuu dareemay in dunida ay hilmaamtay, sida buugga lagu qoray. 

“Waxay u muuqatay in taariikhda ay dhinac martay,” ayuu qoray Bergen. 

Osama ayaa sidoo kale ka war hayey in kooxaha xulufada la ah Al-Qacida ay dileeen kumanaan qof oo Muslimiin ah oo aan waxba galabsan, taasi oo wiiqday farriinta kooxda ee ah inay ku jiraan Jihaad ay ku difaacayaan Muslimiinta oo dhan

Bin Laden wuxuu sidoo kale ka fakaray in magaca kooxda la beddelo lagana dhigo mid dabacsan, sida lagu qoray buugga Bergen. 

Qorshihii Bin Laden ayaan hirgelin, waxaana la dilay 2-dii May 2011, markii ciidamada Mareykanka ay ku weerareen gurigiisa oo ku yaallay magaalada Abbottabad ee dalka Pakistan. 

The post Muxuu qorsheynayey Osama Bin Laden kahor inta aan la dilin? – Xog cusub oo la helay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this