Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya oo ka jawaabtay cabashada shacabka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka jawaabay cabasho ka timid shacabka ku dhaqan Muqdisho, waxayna sameeyeen howl-gallo ka dhan ah dadka isticmaala maandooriyaha iyo kuwa ganacsada.

Howl-gallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa laga sameeyey inta badan gobolka Banaadir, waxaana lagu soo qabtay tiro dad ah oo ay gacanta ku soo dhigeen ciidanka.

Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Soomalaiyeed, Zakiyo Xuseen Axmed oo war qoraal ah soo saartay ayaa ka warbixisay baaritaanadaasi, waxaana ay shaacisay inay uga jawaabayeen cabasho ka timid dadka shacabka ah ee ku dhaqan gudaha caasimada.

“Taliska Boliiska G/Banadir iyo Maamulka G/Banadir oo is kaashanaaya kana jawaabaya cabasho ka timid bulshada ayaa howlgalo ka fuliyay dhamman degmooyinka G/Banadir howlgalkaas oo lagu soo qabtay dadka mandooriyaadka isticmaala iyo ka ganacsada,” ayey tiri.

Sidoo kale waxa ay intaasi sii raacisay “Howlgaladaan waxeey ka jawaabayaan cabashooyinka ay bulshada ku soo gudbiyeen Madasha Ila Wadaag, Qadka 991 iyo cinwaanada bulshada ay si toos ah oogala xiriir karaan Ciidanka Boliiska, “.

Ugu dambeyn waxa ay hoosta ka xariiqay in ciidamada ammaanka ay sii wadi doonaan howl-gallada iyo baaritaanada ka socda Muqdisho, si loo xaqiijiyo amniga caasimada.

Howl-galkan ayaa wuxuu ku soo aadaya, xilli ay degmooyinka gobolka Banaadir ku soo badanayeen dhalinyarada isticmaasha waxyaabaha maanka dooriya, waxaana si aad ah baraha bulshada loogu wadaagayey muuqaallo laga soo duubay qaar ka mid ah dadkaasi.

The post DF Soomaaliya oo ka jawaabtay cabashada shacabka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this